Maamulka Gobolka Banaadir ” 35 ayaa laga helay cudurka HIV”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dad 35 oo isugu jira Soomaali iyo Ajanabi laga helay cudurka HIV, iyada oo qaar kamid ah la masaafuriyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in ay baaritaano ka sameeyeen goobaha bulshada loogu adeego sida Hoteelada, Makhaayadaha, Foornooyinka, Timajareyaasha iyo xarruumo kale.

“Waxaa dalka laga masaafuriyay afar ruux oo ku shaqeynayay xirfadaha dhaqtarnimo, cuno kariye iyo goobaha la isku qurxiyaya, muwadaniinta Soomaalida ah ee xanuunka laga helay waa 31, waxaana hadda la geeyay goobaha caaafimaadka si ay u qaataan daawacada, iyada oo la kor joogteyn doono” ayuu yiri Afhayeenka.

Isaga oo sii hadlaya ayaa afhayeenka waxaa uu sheegay in dadka ka shaqeynaha goobaha loogu adeego bulshada in ay heystaan aqoonsiga badqabka shaqaalaha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed