Maalinta shaqaalaha adduunka oo maanta la xusay

1-da May Qaramada Midoobay ayaa aqbashay soo jeedin ka timid waaxda taariikheynta u qaabilsan si maalmo loo gooni yeelo munaasabado kala duwan oo tan shaqaalaha ay kamid tahay.

Ujeedka maalintaas loo aas-aasay waa dhowr qaybood oo kala ah: In la helo maalin u gaar ah oo shaqada kawada nastaan dhammaan shaqaalaha dalalka saxiixay heshiiskaan, la socodka shaqo la’aanta, ka warqabka saacadaha shaqada & kuwo kale oo lagu ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha.

Marka la gaaro 1-da May waxaa la fasaxaa shaqaalaha si ay ehelkooda ula joogaan maalintaas, dalalka qaar ayaa intaas ku dara tartamo, ciyaaro & socod ay ku muujinayaan maalintaan muhiimadda ay u leedahay shaqaalaha kala xirfadda duwan.

Ururka Shaqaalaha Caalamiga (International Labor Organization) loona soo gaabiyo ILO ayaa diiwaangeliyay xaaladda shaqaalaha dalalka xubnaha ka ah Ururkaan oo codka Qaramada Midoobay ku howlgala.

Ururka Shaqaalaha Aduunka ee ILO waxaana xubin ka ah 186 wadan oo kamid ah 193 dal ee Qaramada Midoobay iyo hal Jaziirad, dhammaantood waxa ay qalinka ku duugeen in ay u hoggaansameen xeerarka ururkaan.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ku jiray Ururka Shaqaalaha Aduunka ee ILO, iyada oo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay fasaxday dhammaan shaqaalaha Dowladda.

Soomaaliya 75% waa dhallinyaro waana kuwa ugu badan ee sanadkaan wajahaya shaqo la’aan iyada oo sanad waliba ay Jaamacadaha dalka ay ka soo baxaan dhallinyaro aan haysan balan qaad shaqo, Dowladda Soomaaliya ayaa 6 sano ee la soo dhaafay qaadan wax shaqaalo.

Ururka Shaqaalaha Aduunka ee ILO Qoondo ayuu ku leeyahay Golaha sare ee Qaramada Midoobay, si lamid ah Ururada kale ee kale kor ku xusan haba kala shaqo iyo firfircoonaan badnaadaanee, Dalalka ugu badan ee taageero waa: Finland, France, Germany, Italy, Norway, Poland, Slovakia, Slovenia, Spain iyo Sweden, halka Qaaradda Ameerika aysan ka marneen oo waxaa liiskaan usoo galay dalalka ku yaalla Bartamaha sida: Costa Rica, Panama iyo Cuba.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed