Liiska Musharixiinta xilka Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa oo la soo saaray

Guddiga Doorashada Puntland ayaa si rasmi ah u soo Gabagabeeyay Galabta diiwaan-galinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay Liiska Rasmiga ah ee Musharrixiinta buuxiyay Shuruudaha Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Liiska Musharrixiinta Rasmiga ah ee la shaaciyay ayaa guud ahaan ka kooban 22 Musharrax oo 11 kamid ah u tartamayaan xilka Madaxweynaha halka 11 kale u tartamayaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Dhammaan Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu wargeliyay in ay Axadda Berri ah oo ku beegan 7 Jan 2024 hor yimaadaan Baarlamanka si ay Hadal-jeedinta u sameeyaan.

Halkan ka daawo Muuqaalka shaacinta Liiska 

dhinaca kale Musharixiin ka tirsanaa Kudlada Mucaaradka Puntland mudana u Ololaynaya hankooda xilka Madaxweynaha Puntland ayaa iskaga haray Tartanka ka dib markii ay galabta Barahooda bulshada ay ku shaaciyeen Iscasilaadooda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed