Laftagareen oo ka tegay Muqdisho kadib fashilkii ku yimid shirkii GWQ

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta isaga tegay magaalada Muqdisho, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib maalmo uu ku sugnaa caasimada.

Laftagareen ayaa Muqdisho uga qayb-galay shirka golaha wadatashiga qaranka oo ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, kadib markii la’isku fahmi waayay qodobada qaar.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaalada Muqdisho ugu maqnaa ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku Meel Gaarka uah Dowladda Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa lasoo wariyay inay diideen saxiixa war-murtiyeed ay ka maqan yihiin maamullada Jubbaland iyo Puntland.

War kooban oo xalay kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay  in dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishaan October, si loo sii amba qaado shirka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed