Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa si adag uga hadlay baaqashada kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo u baaqday kooramkii loo baahnaa oo aan soo dhameystirmin.
Kulanka maanta ee kooram la’aanta u baaqday ayaa waxaa soo xaadiray 120 mudane, iyadoo kooramka kulanka uu ahaa in fadhiga soo xaadiraan ugu yaraan 139 mudane.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Xildhibaanada maqnaa ee aan soo xaadirin kulankii maanta iney xil iska saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah oo ay waqti hore soo xaadiraan fadhiyada si Goluhu go’aano uga gaaraan howlaha muhiimka ah ee horyaala.
“Waxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha Shacabka sababo la xiriira maqnaanshaha Xildhibaano aan muujin xilkasnimo, waxaan mar kale ugu baaqayaa dhamaan Xildhibaanada aan joogin iney waajibaadkooda gutaan oo ay si joogto ah uga soo qeybgalaan fadhiyada Golaha” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha Golaha Shacabka in dhamaan Xildhibaanada ay yihiin xuquuq ahaan kuwa siman, islamarkaana loo baahan yahay in masuuliyad guud iska saaran shuruucda u taala Golaha.
“Waxaa jira Xildhibaano badan oo mudan in Shahaado Sharaf la guddoonsiiyo maadama ay si weyn masuuliyad isaga saaraan kulamada Golaha oo aysan marna ka baaqan, halka kuwa kalana aysan fadhiyada soo xaadirin iyagoo magaalada dhinac ka jooga waxaas wax wanaagsan maaha ee mudanayaal sharuucda iyo sharciga Golaha aan wada dhorno waa codsi” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Hadalka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imaanaya, iyadoo marar badan sidaan oo kale ay u baaqdeen kulamada Golaha Shacabka kooramkii loo baahnaa inuu ku furmo.