Kulan dhexmaray Taliyayaasha milatariga Somaliland iyo Itoobiya

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa kulan ku yeeshay mas’uuliyiin ka kala socday Itoobiya iyo Somaliland, kuwaas oo ka wada hadlay iskaashi dhinaca ciidamada ah.

Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Itoobiya, Marshal Birhanu Jula, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa si qoto dheer uga wada hadlay iskaashiga dhanka amaniga .

Sida lagu sheegay bogga Facebook-ga ee Ciidanka Difaaca Itoobiya, Taliyaha Guud ee Ciidanka Dhulka Marshal Birhanu Julana iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxa ay wada-xaajood ka yeesheen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinaca ciidanka.

“Wefti uu hoggaaminayo taliyaha guud ee ciidanka Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa markii uu soo gaadhay xarunta wasaaradda gaashaandhigga waxa ku soo dhaweeyey saraakiisha guud,” ayaa lagu qoray barta Facebook ee Ciidanka Difaaca Itoobiya.

Dhanka kale barta Facebook ee Telefishinka Qaranka Somaliland ayaa lagu daabacay: “Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani iyo taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Ethiopia Marshal Birhanu Julana, ayaa xarunta waddanka Ethiopia ee Adis Ababa kulan ay ku yeesheen kaga wada-hadlay arrimaha iskaashiga militariga ee labada dal.”

Ma jiro wax faah-faahin dheeraad oo ku saabsan nuxurka wadahadalkooda oo ay xuseen labada dhinacba.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed