Kooxo waday falal burcad badeednimo oo howlgal lagu qabtay

Ciidamada Puntland oo howlgal ka sameeyay deegaanada xeebaha gobolka Raas-casayr ee Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay koox burcad badeed ah oo abaabulayay inay falal burcad badeednimo ka geysteen xeebaha degaanada Puntland.

Saraakiisha ciidamada Booliiska ee gobolka Raas-casayr ee Puntland ayaa soo bandhigay hub, saad iyo doon ay kooxdaan doonayeen inay badda ku galaan si ay u weeraraan maraakiibta ganacsiga iyo doonyaha kalluumaysi ee isicmaala xeebaha Puntand.

Kooxdan lasoo qabtay oo ka koobnayd saddex nin ayaa la sheegay in la horgayn doono sharciga, si loogu qaado dambiyadooda burcad badeednimo. Welise lama xaqiijin inay horey u geysteen falal burcad badeeednimo.

Qabashadooda ayaa kusoo aaday xilli maamulka Puntland uu dhawaan xeebaha ka hirgaliyay ciidamo la dagaalama burcad badeedda  muddooyinkii ugu dambeeyay ka dambeeyay qafaalashada maraakiibta iyo doonyaha ganacsi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed