Koonfur-Galbeed oo ka hadhay koobkii ka socday Muqdisho

Xulka kubada cagta Koonfur-galbeed ayaa isaga baxay koobka Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir ka dib weerar lagu qaaday baskii ay saarnayeen xili ay soo dhamaatay ciyaar ay la lahaayen ciyaartoyda Galmudug shalay.

weerarka lagu qaaday ciyaaryahanada Koonfur-galbeed ayaa waxaa ka dhashay dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray kooxda iyo taageerayaal la socday.

Wasiirka dhalinyarada & ciyaaraha KGS Salmaan Shuceyb Cali oo shir jaraa’id uu qabtay warbaahinta ayaa si cad u sheegay in ay ka hareen koobka guud ahaantiisa islamarkaan ay u duuli doonan Baydhabo.

Xiriirka kubada cagta Soomaliya ayaa hakiyay dhamaan ciyaarihii koobka sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta xiriirku .

Ciyaaryahanada Koonfur-galbeed waa dhacdadii 2aad oo lagula koco labo koob oo isku xiga gudaha Muqdisho kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan la gaarsiiyo.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed