Koofur Afrika ayaa ku eedaysay Maraykanka in ay isticmaaleen muwaadiniin Kenyan ah oo aan haysan ogolaansho shaqo oo ku taal xarun looga shaqeeyo codsiyada qaxootiga ee Koonfur Afrikaanka caddaanka ah.
Todobo Kenyan ah ayaa la xiray ka dib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen in dad “dhowaan Koonfur Afrika ku galeen fiisaha dalxiiska oo ay si sharci darro ah ugu shaqo tageen xarunta” ayaa lagu yiri war ka soo baxay waaxda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika.
Washington ayaa ku eedaysay Koonfur Afrika in ay “faragelin” ku hayso dadaalkeeda ku aaddan in Afrikaners-ka caddaanka ah ay qaxooti ahaan u qaataan, taasoo jawaab u ah wakaaladda wararka ee France-Presse oo arrinka wax ka weydiisay.
Mareykanka ayaa siinaya sharciga magangalyada dadka Afrikaners-ka maadaama uu sheegay in bulshadaas ay wajaheyso cadaadis. Dowladda Koonfur Afrika ayaa diiday eedeyntaas.
Maraykanku waxa uu hoos u dhigay qaxoontiga sannadkii uga iman jiray adduunka oo ahaa 125,000 haddase ah 7,500, balse waxa uu sheegay in uu mudnaan siin doono Afrikanerska, kuwaas oo u badan dadkii ka soo farcamay quruunihii dalkaas deegaanaka ku noqday ee Holland iyo Faransiiska.
Arrintan ayaa ka mid ah waxyaabaha dhaawacay xiriirka labada dal

