Kiisas naxdin leh oo la horgeeyay Maxkamada ciidamada qalabka sida

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xubno katirsan iyo baarayaal la socda ay tageen Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la wareegay galdacwadeed ka dhan ah Kooxo hubaysan oo ku eedeysan in ay dilal arxan-darro ah ka gaysteen Gobolkaas.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegtay in ay diyaarisay dacwaddaas oo dhowaan loo gudbin doonno Maxkamadda si loogu ciqaabo dadkii ka dambeeyay Dilal iyo gubis la isugu daray Dad rayid ah.

Axmed Cabdalla oo kamid ah xubnaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee gaaray Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ciidanka Kumaandooska gaarka u tababaran ee DANAB gaar ahaan Ururka 161aad faray in ay soo qabtaan dadka dilalka aanooyinka gaysanaya.

“Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda CQS waxa uu caddaaladda horgeynayaa dadkii ka dambeeyay dilkii arxan darrada ahaa & gubistii loo gaystay Oday 60 jir ah oo dhimirka ka xannuunsaaa oo lagu Degmada Wanlaweyn” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxmakadda Ciidamada Qalabka sida, Axmed Cabdalla

“Qaarkood way xiran yihiin, qaar kalena waa lagu raadjoogaa, dhacdada kale ee sababtay dhimashada 5 qof oo ka dhacday Yaaqbari weyne, waxaana ciidamada amniga farnay in ay nolol & geeri kusoo qabtaan dadkii dadkaas dilay ee gubay ceelkii biyaha laga cabayay ee Yaaqbari weyne” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Cabdalla, Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxmakadda Ciidamada Qalabka sida.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida lasoo taagi doonno dad xasaanad leh (Xil haya) oo ka qaybgalay hurinta dagaal beeleedka qaybo kamid Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

“Waxa aan baaristeenna Shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigi doonnaa mas’uuliyiin Xasaanad leh oo colaadaha uga qayb qaatay Af iyo Dhaqaale” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Cabdalla, Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda CQS.

Dhacdooyinkii ka dhacay Magaalada Wanlaweyn & Deegaanka Yaaqbari dadkii ka falceliyay ayaa soo jeediyay in maxkamad lasoo taago dadkii gaystay Dilal iyo gubis la isugu daray Dad isugu jiray Oday Da’ ah, Hooyo iyo Carruurteeda si looga hortago falal kuwaas lamid ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed