Khasaare ka dhashay dagaal saaka ka dhacay Gobolka Sool

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal  saaka ka dhacay inta u dhaxaysa Maraago iyo Gaaja-cade ee Gobolka Sool.
Dagaalka ayaa waxa uu dhexeeya  laba ciidan oo hore gurmad ugu tegay SSC-khaatumo kuwaas oo ku murmay sida ay wararku nagu soo gaarayaan  gaari ciidan oo Somaliland looga qabsaday dagaalkii Gooja-cadde looga saarayay.
Sida wararka ay SBC ku helaysa dagaalka oo si xoogle u bilowday saaka ayaa waxaa kala  dhexgalay dad shacab ah iyadoona  labadii ciidan lagu celiyay xeryohoodii.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka SSC Khaatumo iyo Saraakiisha ciidamada Difaac SSC oo la xiriira dhacdadan .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed