Goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqa wayn ee Bakaaraha gaar ahaan inta u dhaxaysa Jidka Shirkadaha iyo Cabdalla-Shideeye waxaa ka kacay Dab dhaliyay Khasaara Maaliyadeed waxaana socda gurmad lagu daminayo Dabkaas.
Kooxaha Gurmadka Degdega ah ayaa ku howlan daminta dabkaas si looga hortago in uusan ku faafin dhismaha kale ee ku dhow loona xakameeyo khasaaraha, waxaana la xiray agagaarka goobtu dabkaas saamaynta taban ku reebay.
Dadka isla leh goobaha gubanaya ayaa ku sugan agagaarka goobahaas iyaga oo ka war sugaya natiijada kasoo baxda daminta Dabkaas maadaama Hanti ay ugu hoydeen uu waaga ugu baryay goobtooda oo gubanaysa.