Magaalada Boorama waxaa ka dhacay dibadbax ka dhan ah Xukuumadda Somaliland oo la xiriira soo bandhigista buug lagu magacaabo ‘Xeer Ciise’ oo la damacsanaa in xarunta Gobolka Awdal lagu qabto laakiin loo wareejiyay Saylac.
Dad ka dibadbaxay go’aankaas iyo xaqiraad ay sheegeen in lagu qoray buuggaas ayaa rabshado kala hortagay ciidamada Booliiska Somaliland oo markii dambe rasaas u adeegsaday, waxaa halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Inkasta oo aan tiro sugan la shaacin balse waxaa jira warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ay dhinteen in ka badan 3 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 6 ruux waxaana la tilmaamay in khasaaraha uu intaas ka badan karo.
Dadka dibadbaxay ayaa gubay goobo kala duwan iyo waddooyinka Magaalada Boorama, waxa ay is hor istaageen ciidamada Booliiska oo damacsanaa in uu kala eryo dadkaas isla markaana damiyo walxaha ay gubeen Dadkaas.
Xaaladda saakay weli way qasan tahay, Somaliland ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay Magaalada Boorama, halka Dadkii dibadbaxay ay sheegeen in aanay aqbali doonin in buuggaas lagu soo bandhigo Magaalada Saylac.

