Dowladda Kenya ayaa soo jeedisay heshiis dhinaca badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo ka dhalatay markii Itoobiya ay Somaliland heshiis kula gashay inay deked iyo saldhig militari ka samaysato biyaha Soomaaliya.
Sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Korir Singโoei, Heshiiska ay Kenya soo jeedinayso iyadoo la tashanaysa Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD, ayaa tilmaamaya sida Ethiopia oo aan bad lahayn ay gobolka uga heli lahayd deked qaab ganacsi ah.
โIGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda. Haddii la aqbalo xalka Nayroobi, wuxuu siinayaa Itoobiya helitaanka kheyraadka badda si ay howlaheeda ganacsi ee badda u fushato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliyaโ ayuu yiri Korir Singโoei.
Warkaan kasoo baxay Kenya, ayaa yimid, xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya William Ruto, kulankaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhameeyo khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia.