Jubbaland oo sheegtay in ay iska difaaceyso Dowladda Federaalka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan dagaalka maalmihii la soo dhaafay ka socday degmada Beledxaawo iyo deegaannada hoos yimaada.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa Dowladda Federaalka lagu eedeyay in ay dagaal ku soo qaaday gobolka Gedo, isla markaasna ay iska difaacayaan.

Waxaan diyaar u nahay in aan ka hortagno dadaallada la doonayo in lagu dumiyo Jubbaland, waan is difaaceyna” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland.

Hadalka ka soo baxay Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada taabacsan maamulkaasi laga saarey magaalada Beledxaawo iyo deegaannada hoos yimaada.

Dowladda Federaalka ayaa hore ugu baaqday askarta Jubbaland ee ku sugan Gedo in ay isku soo dhiibaan dowladda, isla markaasna la ilaalin doono amnigooda iyo badqabkooda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed