Jubbaland oo ka horyimid dhaqan-gelinta canshuurta Iibka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka horyimid dhaqangelinta canshuurta Iibka 5%, iyaga oo sheegay in aan lagala tashan nidaamkii loo maray diyaarinteeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in canshuurta gadidda guud ahaan dalka ay abuuri karto isku dhacyo dhaqaale, isla markaasna loo baahan yahay in laga fiirsado.

“Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland waxa ay caddeynaynsaa in aysan qayb ka aheyn tallaabada ay kaligeed qaaday Wasaaradda Maaliyadda ee DFS ee ku aaddan dhaqangelinta canshuurta gadidda 5%, maadaama aan la tashi lagala sameyn Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubaland oo qeyb ka ah dowladaha xubnaha ka ah DFS, taas oo abuuri karta isku dhacyo dhaqaale, iyadoo aan tixgelin madaxbannaanida canshuur qaadista dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Jubbaland.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in qoddobada muhiimka ah ee masiiriga ah ay la tashi dheeraad ah ka sameyso.

“Sida ku cad Qodobka 122-aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah oo qeexaya mabaadi’da maaliyadda dalka, waxaa ka wada xaajoon donna Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah . Si lamid ah, Qodobka 106-aad ee maamulka dakhliga, shuruucda dakhliga waxaa lagu soo saarayaa heer Federaal iyada oo la tashanayo dowladaha xubnaha ka ah DFS si waafaqsan nidaamka federaalka ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Jubbaland.

Qoraalka ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli maalinta berri ay ku began tahay xilliga Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka shaaciyay in ay billaaban doonto canshuurta Iibka.

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed