Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa toddobaadkan wado hawlgallo lagu sugaayo amniga iyo dib u hagaajinta waddada isku xirta Janaa Cabdalle iyo Afmadow.
Howlgalkan ay wadaan ciidamada ayaa ah kuwa ka dhan ah Al-shabaab, si loo xaqiijiyo badqabka dadka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas, iyada oo la xoojinayo nabadgelyada waddaas.
Sidoo kale, hawlgalladaan ayaa qeyb ka ah fududeynta isku socodka shacabka, taas oo muhiim u ah ganacsiga iyo nolol maalmeedka bulshada deegaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyaga oo ka wada deegaannada ay ku suganyihiin AS.