Jubbaland oo faahfaahisay howlgalo ka socda Jubbada Hoose

Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid Kaydsane oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo culus oo ka socda gobolka Jubbada Hoose.

Jenaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada hoostaga Buulo Xaaji in khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

“Dhuumaaleysi ayay ku jiraan geed kasto oo ay hoos galaan ciidanka waa ka daba galayaan, Shabaab gabalkooda wuu dhacay meel walbo oo ay ciidankeena isaga hor imaadaan waa looga gacan sareeyaa oo ay cararaan” ayuu yiri Taliye Ismaaciil Saxardiid.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ma shaacin khasaare dhimasho ah oo ay gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab, marka laga reebo inuu sheegay in kooxda ay u geysteen jab xoogan.

Jenaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sidoo kale sheegay inuu sii socon doono howlgalada Al-shabaab looga xureynaayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Jubbaland.

Hadalka Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo howlgalo culus oo maalintii sadaxaad qaatay ay ciidanka Jubbaland ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose, gaar ahaan aaga lagu magacaabo Lagta Caanoole.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed