Jubbaland oo Dil toogasho ah ku fulisay Rag ku eedeysan AS’.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Talaado ah waxa ay Xukun Dil Toogasho ah ku fulisay 5 Nin oo ku eedeysan in ay katirsan ‘AS’ Isla markaana Magaalada Kismaayo Dilal ka geystay.

Ragga Saakay la toogtay ayaa ku eedeysan in ay horay u dileen Sheekh Cumar Maxamed Daahir, Sheekh Cabdullaahi Dalab & Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo caan ka ahaa magalaada Kismaayo Xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa madasha ka sheegay in xukunkaan lagu fuliyay Raggaan uu yahay mid qisaas ah oo looga gudo dhiigga ay daadiyeen sida hadalka loo dhigay.

Shanta ruux ee Saakay lagu toogtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxaa horay loo horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo ku ridday Xukunka Toogashada h ee maanta lagu fuliyay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed