Wararka ka imaanaya magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la soo sheegay in ay Jubbaland khadka isgaarsiinta ay ka jartay magaalada Raaskambooni.
Magaalada Raaskambooni ayaa ah magaalo ay ku sugan yihiin qeyb kamid ah ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo aan halkaas aysan haysan isgaarsiin telefoon iyo adeeg internet oo ay meelna kula xiriiri karin.
Sidoo kale, Raaskambooni ayaa muddoyinkii u dambeeyay dowladda Federaalka Sooamaaliya diyaarado ku daabuleyso qeyb kamid ciidanka xoogga.
Dhinaca kale, saacadahii u dambeeyay waxaa ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland ay isku soo dhibeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Raaskambooni ee gobalka Jubbada hoose.