Maamul Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamo horleh oo ka tirsan maamulkaasi ay maanta isku dhiibeen ciidamada qalabka sida ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka lasoo bandhigay oo watay doonyo aanay kamid ahayn markii hore Daraawiishta maamulkaasi, balse ay yihiin ciidamo uu abaabulay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Badhaadhe Maxamed Fanax.
“Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubbaland.
Waxaa kale oo lasii raaciyay in arrintan ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, si ay u sumcad disho ciidanka Daraawiishay maamulka Jubbaland.
Saaka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay inay ciidamada dowladda ee ku sugan Raaskambooni ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, aadna loo soo dhaweeyay.
“Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.