Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, iyo Safiirka Japan ee Kenya, Mr. OGIHARA Hiroshi, ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis dowladda Japan ay ku cafinayso deyn dhan 14 bilyan oo YEN, taasoo u dhiganta in ka badan 100 milyan oo Dollar.
Heshiiskaan wuxuu daba socdaa go’aankii ka soo baxay dalalka Paris Club ee bishii Maarso 2024, ee ku aaddan deyn cafinta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Japan ee taageerada, isagoo tilmaamay in tani ay dhiirigelin u tahay dadaallada Soomaaliya ee dib-u-habaynta maaliyadda iyo kor u qaadista dakhliga, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.
Safiir OGIHARA Hiroshi ayaa sidoo kale sheegay in Japan ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee dalka.