Janaraal Bashiir Goobe oo maanta loo doortay Kursiga HOP018

Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo xilal kala duwan soo qabtay isla markaana haatan ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay Doorashada Kursiga HOP018.

Kursigaan oo kamid ahaa kuraasta ka ballaan Golaha Shacabka ayaa Deegaan-doorashadiisu tahay Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaana maanta lagu qabtay Doorashadaan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedkaas.

Sahra Colaad Cabdi oo horay ugu fadhisay kursigaan kuna guuleystay Doorasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo 15kii Maarso 2022 ayaa xilkaas iska casishay balse beesha leh ayaa ugu dambeyn go’aamisay in la qabto doorashada si aanay u maqnaan metalaaddooda Golaha Shacabka.

Kuraas badan oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bannaan waxaana Guddoonka Golahaas uu dhowaan sheegay in lasoo buuxin doonno laguna wargelin doonno beelaha leh & Dowlad-Goboleedyada Deegaan-doorashadoodu tahay.

Xildhibaanno geeriyooday, kuwo qabtay Xilalka haddii ay aqbalaan ay ku weynayaan xubinnimada Golaha Shacabka iyo kuwo kale oo gebi ahaan isaga tagay Siyaasadda ayaa kuraastooda bannaan waxaana la filayaa in la buuxiyo sida qorshuhu yahay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed