Jabhada Oromada Itoobiya oo ka hortimd Damaca Abiye ee Bada Soomaaliya

Ururka mucaaradka Oromada ee dalka Itoobiya (OLF), ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah.

“Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo isfaham dhinacyada oo dhan ah, anagoo ku boorinayna ixtiraamka qaxootiga iyo muwaadiniinta rayidka ah ee labada dhinac inta lagu jiro waqtiyadan dareenka leh,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Dibadda ee xisbiga.

Xisbigu wuxuu ku booriyay beesha caalamka, iyo dhammaan waddamada deriska ah inay soo farageliyaan ka hor inta aan waxyeello weyni soo gaarin gobolka.

Saxiixa Is-afgaradka oo Itoobiya u ogolaatay inay hesho badda si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah, ayaa caro ka dhaliyay guud ahaan Soomaaliya.

06 Janaayo 2024, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci burinaya heshiiskaas waxaana sida oo kale si cad uga horyimid dhamaan shacabka Soomaliyeed .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed