Itoobiya oo war kale ka soo saartay Hishiiskii ay la gashay Soomaliland

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale difaacday Is-fagaradka ay la gashay Somaliland oo sida adag ay uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Redwan Hussain, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian  waxa uu ku sheegay in falcelinta [caalamiga ah] ee ka dhalatay is-afagaradka “aysan aheyn wax aysan fileyn.”

Redwan ayaa difaacay go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi buuxa, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo horumarin dekado.”

Waxa uu tixraacay heshiiskii la saxiixay 2017, ee Itoobiya, Shirkadda dekadaha Dubai ee DP World iyo Maamulka Dekadaha Somaliland ee la xiriiray Dekadda Berbera.

Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaamtay “daan-daansi” ay Itoobiya ugu xadgudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika inay kulamo deg deg ah ka yeeshaan arrintan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay Jimcihii khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegey in dhulka Soomaaliya “aanan lagu bedelan karin dano gaaban.”

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed