Ugu yaraan 38 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo xiriir ah oo ay Israa’iil ka geysatay marinka Qasa muddo nus saac gudahood ah, sida ay sheegeen dhaqaatiirta Falastiiniyiinta.
Afhayeen u hadlay hay’adda difaaca rayidka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen iskuul ku yaalla bariga magaalada Qasa; xarun shidaal oo hoy u ah qoysaska barakacayaasha ah ee ku jira xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Qasa, iyo dhismo saddex dabaq ah oo la deggan yahay oo ku yaal Deir al-Balah ee koonfurta Qasa.
Waxa uu intaasi ku daray in kooxaha gurmadka ay dhibaato weyn kala kulmaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka dhaawaca ah isbitaallada sababo la xiriira qalab la’aan iyo duqeynta oo aad u xoogganeyd.
Sida laga soo xigtay dhaq-dhaqaaqayaal maxalli ah oo ku sugan Qasa, 10 qof ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku qaaday dugsiga Musa bin Nusayr, halkaas oo ay gabaad ka dhiganayeen boqolaal qof oo barakacayaal ah.
Bartamaha Qasa, 15 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar lagu qaaday teendhooyin ku yaal kaalin shidaal oo cidla ah oo ku taal Nuseirat.
Dhanka kale, saxafiyiinta gudaha ayaa sheegay in 13 falastiiniyiin ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo lagu qaaday guri ku yaalla bartamaha Deir al-Balah oo ay ku noolaayeen qoys Falastiiniyiin ah.
Dhinaca kale, diyaaradaha Israa’iil ayaa 10 weerar oo cirka ah ku qaaday “xaafadda Shejaiya ee bariga Qasa.
Wararka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen kuwo xooggan oo aaggaas gilgilay. Weeraradan ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday godad ay leeyihiin ciidamada Xamaas.