Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta ku dhawaaqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay si rasmi ah u aqoonsatay dal madax-bannaan
Ra’iisul Wasaare Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Saacid, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kala saxiixday baaq wadajir ah oo labada dhinac ah.
Bayaankani waxa uu ku socdaa iyada la tixraacayo heshiiskii Abraham, ee lagu saxeexay hindisaha madaxweyne Trump.
Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalla, wuxuuna ku ammaanay hoggaamintiisa iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo nabadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku casuumay Madaxweynaha inuu booqasho rasmi ah ku tago Israel., sida ku cad bayaanka xafiiska rai’sul wasaaraha.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Netanyahu baaqii taariikhiga ahaa ee uu ku dhawaaqay, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guulaha uu Ra’iisul Wasaaruhu ka gaaray la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta nabadda gobolka, ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ka soo baxay xafiiska rai’sul wasaaraha Isra’il ayaa lagu xusay in dawladda Israa’iil ay qorshaynayso inay si degdeg ah u ballaariso xiriirka ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo iskaashi ballaaran ka samaynaysa dhinacyada Beeraha, Caafimaadka, Tignoolajiyada iyo Dhaqaalaha.

