Israa’iil oo duqayn ku dishay Sagaal Caruur ah

Duqeymo dhanka cirka ah ayaa Israa’iil ka geysatay Qaza, iyada oo ku garaacday guriga dhakhtarad ay ku dishay sagaal ka mid ah 10 carruur ah oo ay dhashay, sida uu sheegay isbitaalka ay ka shaqeyso ee magaalada Khan Younis.

Isbitaalka Nasser ayaa sheegay in mid ka mid ah carruurta Dr Alaa al-Najjar iyo ninkeeda ay dhaawacmeen, balse ay badbaadeen.

Graeme Groom, oo ah dhakhtar qalliin oo Ingiriis ah oo ka shaqaynayey cisbitaalka kaas oo qaliin ku sameeyey wiilkeedii 11-jirka ahaa ee badbaaday, ayaa BBC-da u sheegtay in ay ahayd “arxandarro aan loo dulqaadan karin” in hooyadii, oo sannado badan daryeeleysay carruurnimadiisii ay ku waayi karto hal gantaal.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahoodu ay ku duqeeyeen “tiro tuhmanayaal ah” gudaha Khan Younis, Jimcihii iyo “sheegashada la xiriirta waxyeelada loo geysto dadka rayidka ah ee aan lugta ku lahayn dib ayaa loo eegayaa”.

Muuqaal uu soo bandhigay agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho oo ay BBC-du xaqiijisay ayaa muujinaya meydad yar oo gubtay oo laga soo qaaday burburka duqaynta Khan Younis.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed