Laba gobo oo dhaca Waqooyiga Nigeria ayaa amray in dhammaan dugsiyada dadweynaha la xiro sababo la xiriira arrimaha ammaanka. Masuuliyiinya gobollada Katsina iyo Plateau ayaa sheegay in talaabadani ay tahay kumeel gaar.
Waxaa go’aankan uu yimid ka dib markii ay rag hubaysani ay in ka badan laba boqol oo arday iyo shaqeele ah ay ka afduubteen dugsi kaatooliga oo la jiifsado oo dhaca gobolka Nijger.
Booliska ayaa sheegay askarta iyo laamo kale oo ammaanka ay ka baadigoobayaan kaymo u dhow.
Waa afduubkii saddexaad ee tiro aad u badan ah oo ka dhaca Nigeria wax ka yar hal todobaad gudahood ah. afduubayaasha ayaa kordhiyay beegsiga ardayda, macalimiinta iyo dadka cibaadeysanaya si ay uga helaan madax furasho, gaar ahaan Waqooyiga iyo Bartamaha Nigeria.

