Sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka dadka barakaca, in ka badan 40 kun oo ruux ayaa ka barakacday colaadda ka jirta Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Colaaddaan oo u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa sababtay in Dad badan ay naftooda kala baxsadaan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag oo dagaalka xooggiisa uu ka dhacay.
Dadkaan oo aan heysan waxyaabaha muhiimka ah sida biyo nadiif ah, cunto si joogta ah ay u helayaan iyo nabadgalyo ayaa u kala firxaday deegaannada dhaca Duleedka Magaalada Ceerigaabo si ay xabbadaha la isku ridayo uga fogaadaan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan baaq nabadeed u dirtay dhinacyada dagaalamaya, Wasaaraddu waxa ay soo jeedisay in shuruud la’aan colaadda loo joojiyo isla markaana wadahadal la galo.