In ka badan hal milyan oo qof oo maanta taagan Buurta Carrafa

Ku dhowaad 2 Milyan oo ruux oo Xujay ah ayaa saakay u dareersatay Buurta Carafo si ay halkaas ugu qaataan Rukniga ugu wayn ee Xajka iyaga oo saacado badan halkaas ku qaadanaya waqti ay ku ducaystaan.

Xujayda waxa ay buurta kasoo degi doonaan marka la gaaro Salaadda Duhur iyaga oo jamcinaya Salaadaha Duhurka & Casirka iyaga oo kaddib dib ugu laaban doonnaa buurtaas oo ilaa maqribkii ama gabbalka inta uu ka aasmo saarnaan doonna.

Dadka aanay xajinayn oo intooda badan Sooman ayaa dhankooda wada ducada & dambi-dhaaf waydiisiga Alle si ay uga faaiidaystaan fadliga u gaarka ah maalintaan, Culimada ayaa Dadkaan ugu baaqday in ay kordhiyaan Aqrinta Qur’aanka Kariimka.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee sanadkaan Xajinaysa ayaa guud ahaan Muslimiinta ugu baaqay in ay kordhiyaan ducada iyo istiqfaarta si uu alle uga saaro dhibaatooyinka haysta.

Waxa uu Sheekh Dirir baaq gaar ah u diray Guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida isaga oo usoo jeediyay in ay kordhiyaan ducada & baryada alle maadaama ay haystaan fursad wayn si uu uga dulqaado dhibaatooyinka haysta.

“Waxa aan taaganahay Mina oo waxa aan u ambabaxaynaa Carafa waa subaxii 9aad sida Sunnada Nabiga NNKH ahayd, In ilaahay la bariyo waaye, Qofka waxa uu u ducaynayaa Ummadda Islaamka meel weliba oo ay joogaan si gaar ah Walaalaha Falastiin, Dalkeenna & Dadkeenna, Dadkeenna dhintay, Ducada wax culays ah oo ay nagu leedahay ma jirto oo waan badinaynaa” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa markale Xujayda ugu baaqday in ay raacdo habraaca loogu talagalay si xaajiga aanay dhaawac uga soo gaarin xajkiisa, waxaana la kordhiyay Dadka u adeegaya Xujayda sanadkaan 1445 Hijriya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed