Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in in ka badan 41,000 oo arday ay saaka si rasmi ah ugu fariisteen imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiga dhexe oo ka dhacaya dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Tani waa tiradii ugu badnayd ee abid u fariisata imtixaankan heer gobolka ah, taasoo muujinaysa kobaca iyo horumarka dhanka waxbarashada ee gobolka.
Imtixaanka ayaa si isku mid ah uga furmay dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo ammaankiisuna si buuxda loo adkeeyay, lagana howlgeliyay ciidanka booliska.
Munaasabadda furitaanka imtixaanka ayaa waxaa si rasmi ah u daah furay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka, kuwaas oo boggaadiyay dadaalka ardayda, macallimiinta, iyo waalidiinta.
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir waxa uu mar kale xaqiijiyay in imtixaanku u socdo si hufan, isla markaana la hubiyay in dhammaan goobaha imtixaanku ay yihiin kuwo buuxiyay baahiyaha ardayda.