Waxaa maanta si rasmi ah u billowday Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 4-aad ee dugsiga sare oo ay u fadhiisteen 39,400 arday guud ahaan dalka Soomaaliya, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada.
Tirada guud ee ardayda sanadkan imtixaanka u fariisatay ayaa kala ah 23,000 wiilal ah iyo 16,300 gabdho ah, kuwaasi oo ku sugan dhammaan degmooyinka iyo gobollada dalka marka laga reebo maamulada Puntland iyo Somaliland.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, ayaa sheegtay in imtixaanka sannadkan wax badan laga beddelay, iyadoo dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamkiisa si loo xoojiyo hufnaanta, kalsoonida iyo tayada imtixaanka.
Nuura ayaa sidoo kale xustay in imtixaanku si habsami leh uga socdo degmooyin ay ka mid yihiin Warshiikh, Ceeldheer, Buurhakaba, Laascaanood iyo Buuhoodle, iyadoo la adkeeyay amniga iyo kormeerka si looga hortago wax is-daba marin ah.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa ugu baaqday ardayda in ay si kalsooni leh u galaan imtixaanka, kuna dadaalaan in ay muujiyaan dadaalkii ay sameeyeen muddadii waxbarasho.