Ilyaas Lugatoor oo loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland.

Mudane Ilyaas Lugatoor oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa hadda ahaa wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xukuumadda Madaxweyne Deni.

Madaxweyne ku-xigeen Ilyaas Lugatoor ayaa markii xilka loo dhaariyay booqasho iyo salaan ugu tegay Madaxweyn ku xigeenkii xilka ka sii dagaya ee Puntland Axmed Karaash.

“Waxaan Salaan ugu tegey Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed