Ilaa 60 meyd oo laga helay xaafado ka tirsan Magaalada Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa xalay dib uga baxay qeybo ka mid ah magaalada Gaza, kaddib muddo todobaad ah oo ay duqeymo ba’ani ku hayeen isla markaana meelaha qaar ay kala kulmayeen iska-caabin culus oo kaga imaneysay Xamaas.

Sida ay sheegeen goob joogayaasha iyo kooxaha gurmadka deg degga ah, ciidamada Isra’il ayaa kaga tagay xaafadihi ay xalay ka baxeen ee Gaza, meydadka tobnaan qof, burbur xoog leh oo soo gaaray dhismayaal tira badan iyo waddooyinki muhim u ahaa magaalada.

Adeegga Gurmadka Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegay in ay xaafadaha Tel Al-xawaa iyo Sabta ee magaalada Gaza ay kasoo ururiyeen, meydadka ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay dileen ciidamada Israa’iil usbuucii la soo dhaafay.

Inkasta ooay taangiyada ay ka baxeen meelaha qaar, hadana shaqaalaha gurmadka iyo goob-joogayaasha qaar ayaa sheegay, in kooxaha shish-wanaagga iyo taangiyada saaran dhulka jooggiisu sarreeyo ay meelaha fog kasoo tooganayaan dadka. Sidaasi daraadeedna uga digay dadweynaha in ay isku dayaan inay soo laabtaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay sheegeen in ay Xamaas ku hesyteen xarunta hey’adda Qaramada Midoobay ee Falastiin ee UNRWA. Waxay kaloo sheegeen in ay aaggaasi ka daad gureeyeen rayidka ka hor inta aysan weerarin.

Garabka hubeysan ee Xamaas iyo Islac Jihad ayaa sheegay in ay hoobiyaal iyo madaafiicda lidka taangiyada ay ku weerareen ciidamada Isra’il isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hase yeeshee ciidamada Isra’il wax war ah arrintaasi kama aysan soo saarin.

Dagaalka ay Isra’il ku qaadday Gaza oo hadda 10 bil jirsaday ayaa billowday, waxyar kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, halkaas oo ay ku dhishay in ka badan 1,000 Isra’iiliyiin ah boqollaal kalana soo qafaasheen.
Isra’il ayaa iyaduna duullaanka ay wali ka waddo Gaza ku dishay in ka badan 38 kun oo ruux oo Falastiiniyiin ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed