Maxkamad ku taalla Magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan ayaa xukun ku ridday labo nin oo u dhashay Dalka Faransiiska isla markaana lagu eedeeyay in ay faraha la galeen howlo basaasid ah oo ay macluumaad la wadaageen Israa’iil.
Xeer Ilaalinta ayaa galdacwadeed Xukun adag ka dhalanaya kusoo oogay labadaan eedeysane oo ugu dambeyn qareenno difaaco loo qabtay lana horgeeyay maxkamadda oo xukunka xabsiga ku ridday sida bayaanka lagu sheegay.
Raggaan ayaa la qabtay Bishii Maarso sanadkii 2023kii, waxaa la sheegay in ay la shaqeynayeen sirdoonka dalka ay u dhasheen ee Faransiiska, markii dambe waxa ay u xuubsiibteen la shaqeynta Sirdoonka Israa’iil oo macluumaad ka dhan ah Iiraan la wadaageen.
Maxkamaddu waxa ay sheegtay in qareenno iyo dad u tarjuma luuqadda Faarisiga ah u qabatay si ay u fahmaan eedaha ka dhanka ah, difaaca qareennooda iyo wax weliba oo la xiriira kiiskaan qoorta loo geliyay ee basaasidda ah.
Todobo fadhi kaddib waxa ay Ugu dambayn Maxkamadda ku xukuntay Eedeysanaha koowaad 20 sano oo xabsi ah & in la masaafurin doonno marka uu dhammaysto, halka eedeysanaha labaad lagu xukumay 17 sano iyo masaafurin.
Muddo 20 cisho ah ayay racfaan u qaadan karaan Maxkamadda Sare Iiraan haddii aysan ku qancin xukunka lagu riday sida lagu sheegay bayaankaan, Maxkamaddu waxa ay digniin u dirtay Dadka la shaqeynaya sirdoonka Israa’iil oo ciqaab adag mari doonna.

