Urur goboleedka IGAD ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Xoghayaha fulinta Ururka IGAD Dr.Workneh Gebeyehu oo hadlay ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha, waxaana uu u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Waxaan garab taaganahay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo dadaalkooda ku dayashada mudan ee dib u dhiska qarankooda oo ah iftiin rajo dhammaan kuwa wajahaya caqabadaha la midka ah ee adduunka oo dhan Wayo”