Hub iyo Maandooriye howlgal lagu qabtay oo Garowe lagu soo bandhigay

Saraakiisha ciidanka amniga Puntland iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay hub iyo maandooriye lagusoo qabtay howgallo malamihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Garowe kaas oo ay wadeen ciidamada xasilinta caasimada Puntland ee Garowe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa warbaahinta u sheegay in ay magaalada Garowe ka nadiifiyeen hubkii sharci darrada ahaa ee shacabka gacanta ugu jiray.

Guddoomiya ayaa sheegay in howgalka inta uu ku geeriyooday hal qof oo shacab ah iyo labo qof oo dhaawac ah.

“Garoowe “Afartii nin ee ugu caansanayd ee ka shaqaynayay dhibaatooyinka magaalada xalay ayaannu gacanta ku dhignay” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in sharciga la horgyandoono eedeysanayaasha lagusoo qabtay howlgalkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed