Howlgalo ka dhan ah amniga oo ka bilowday Boosaso

Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa xalay magaalada Boosaaso ka bilaabay hawlgal oo lagu xaqiijinayo Amniga ka dib qaraxyo lal beegsaday xarumah ganacsiga ee magaalada .
Hawlgalka ayaa bilowday xiliga ay iclaamiyeen guddiga Amniga Gobolka Bari oo ahayd 11:00 habeenimo ka dib shir deg deg ah oo ay ka yeeshem xaaladda Boosaaso .

Guddiga ayaa shalay shaaciyay in la bilaabayo hawlgal ciidan oo lagu xasilinayo Amniga Boosaaso islamarkaana magaalada looga sifaynayo cida dhibta kuwada ganacsiga magaalada.

Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub ku dhex qaadan karin magaalada sidoo kalena aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed