Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa howlgal ay iska kaashadeen waxa ay la fuliyeen meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey oo ah deegaan u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
War ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, โKu dhawaad 30-kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, howlgalkaas ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Xuseen Cageey u dhaxeeya deegaannada Mesegawaay iyo iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.โ
Hawlgalaan ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka, ayaa ku soo aadaya xilli bilooyinkii u dambeeyay halkaas ka socdeen dagaallo ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale waxa uu ku soo aadayaa xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorsheyneyso weji labaad ee dagaalka.