Howgalo ka dhan ah xaalufinta deegaanka ka dhacay Qardho

Ciidamada amniga magaalada Qardho ayaa sameeyay howlgalo ka dhan ah ka hor tagista dhibaataynta deegaanka iyo shidista dhuxusha.
Howlgalkan oo uu hogaaminayay Taliyaha qeybta booliska gobolka Karkaar Xuseen Cali Maxamuud islamarkaana ay ku waheliyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qardho ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada magaalada.
inta uu socday howlgalku ayaa waxa la burburiyay godad lagu diyaariyay dhir la jaray oo la rabay in la gubo si ay uga sameysanto dhuxul.
Xuseen Cali Maxamuud oo ah Taliyaha qeybta booliska gobolka Karkaar ayaa bulshada deegaanada ay howgladu ka dhaceen ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago xaalufinta deegaanka.
Sawiro

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed