Saldhig gaar ah oo kuyaalla magaalada Boosaaso waxaa gelinkii dambe ee xalay ku geeriyoodey madixii dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ee kooxda Daacish, Abdirahmaan Shirwac Laahoor oo ciidanka difaaca Puntland qabteen 3dii February 2025.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Laahoor Meydkiisa laga helay firaashkii uu xalay seexday isla markaana aan weli la xaqiijin qaabka uu u geeriyoodey.
Abdirahmaan Shirwac Laahoor, oo hormuud u ahaa koox Daacish u qaabilsanayd dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ayaa horay maxkamadi ugu xukuntay dil toogasho ah, waxaana qabashadiisii kadib laga helay xogo dheeraad ah oo ku saabsan qorshayaasha Daacish, dadkii ay wada shaqaynta lahaayeen iyo arrimo kale.