Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la yeeshay qaar ka mida xildhibaanada SSC-Khaatumo ku metela labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan iyo dardargelinta iyo horumarinta hawlaha hortebinta u leh Dawlad-goboleedka Ssc-khaatumo.
“Hoggaamiyaha ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo sidoo kalana ku booriyey laba-jibbaarka hawlaha baaxadda leh ee horyaal ka qaran ahaan iyo Dawlad-goboleed ahaanba” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Hoggaamiye Firdhiye.
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Madaxda Sare ee dalka iyo mas’uuliyiinta ka soo jeeda deegaannada maamulkaasi.