Hogaamiye Shiine kormeeray taliska qaybta Booliska Gobolka Cayn.

Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kormeeray taliska qaybta Booliska Gobolka Cayn.
Hoggaamiye kuxigeenka ayaa salaan ka qaatay ciidanka saldhigga dhexe, waxana uu warbixin ka dhegaystay Taliyaha booliska G. Cayn.
Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa uga mahadnaqay ciidaanka booliska gobolka Cayn ilaalinta shacabka iyo nabadgalyada gobolka, waxa uuna ku boorriyey inay laba jibbaaraan la dagaalanka khamriga iyo waxyaalaha lidka ku ah nabadgalyada shacabka.
Hoggaamiyuhu ayaa sidoo kale xusqy sheegay in boolisku yahay saaxiibka dadweynaha loona baahan yahay in ay shacabka iyo boolisku isla shaqeeyaan si loo helo xasillooni iyo nabadgelyo buuxda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed