Hogaamiye ku-xigeenka SSC oo daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee DFS

Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil oo ay weheliyaan Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdixakiin Jaamac Dalmar, Wasiirka Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Mudane Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo, Maayarka Magaalada Laascaanood iyo Masuuliyiin kale ayaa Imtixaanka si rasmi ah uga daahfuray dugsiga sare ee Muuse Yuusuf isagoona qaybiyey nuqullo ka mid ah imtixaanka.
Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka warbixiyey Marxaladdii uu soo maray imtixaankani iyo dedaalka ay ka wasaarad ahaan geliyeen in Deegaanka uu soo gaadho Imtixaanka shahaadiga ah Fasalka 12’aad ee Qaranka Soomaaliyeed isagoona sheegay in tirada ardayda deegaannada SSC-Khaatumo u fadhiisanaysa imtixaanka ay ka badan tahay 1,100 Arday oo ka socda dhammaan Deegaannada Maamulka.
Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine oo madasha hadal ka jeediyey ayaa Masuuliyiinta Wasaaradda heer Maamul iyo Heer Dawladda dhexe ba uga mahadnaqay dedaalka ay geliyeen Imtixaanka Shahaadiga ah, Hoggaamiyaha ayaa ardayda u duceeyey, una sheegay inay cabsida badan ee imtixaanka iska daayaan, kulana dardaarmay inay u hoggaansamaan awaamiirta Macallimiinta, Wasaaradda iyo Hay’adaha Amniga ee imtixaanka iyo ardaydaba badqabkooda sugaya ayna guushiisa ku dedaalaan. Waxa kale oo uu Hoggaamiye Kuxigeenku ardayda kula ballamay inay dedaal badan muujiyaan, Imtixaankuna uu yahay keliya hubin wixii la soo bartay, uuna ka imanayo casharadii aad soo qaadateen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed