Hogaamiye Firdhiye oo kormeeray xarumaha Maamulkiisa

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa saaka soo kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo u kuur galay habsami u socodka shaqada Wasaaradaha.

Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan horumarada ay sameynayaan labadan wasaradood ka dhagaystay Wasiirada iyo hawlwadeenada, Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey sida hufan ee shaqalaaha Wasaaraduhu ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, sida ay u ilaalinayaan wakhtiga shaqada iyo soo dhawaynta sare ee ay ku qaabilayaan shacabka u soo adeeg doontay.

Ugu dambeyntii, Hoggaamiyaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada iyo hawlwadeenada Wasaaradaha in ay Masuuliyadda ay hayaan Ilaahay uga cabsadaan, sidoo kale sharciga iyo Axdiga SSC-Khaatumo ilaaliyaan, si daacadnimo ku jirto oo ka madhan musuq iyo takrifal awoodeedna ugu adeegaan shacabka SSC-Khaatumo.

Kormeerka Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Fidhiye) ayaa ku soo aadayo xilli uu    dhowaan safarro ka soo laabtay ayaa maanta kormeer ku tegey xarumaha wasaaradaha Maaliyadda iyo arrimaha gudaha maamulkaasi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed