Hogaamiye Firdhiye oo guddoomiyey shirkii golaha wasiirrada ee SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo hoggaamiye ku xigeenka mudane Dr Maxamed Cabdi Ä°smaaciil ayaa shir guddoomiyey shirkii golaha wasiirrada.
Shirka ayaa diirradda lagu saaray xaaladaha guud ee deegaannada SSC-Khaatumo iyo kuwa hortebinta u Leh maamulka. Dhanka kale waxaa warbixin laga dhagaystay qaar ka mid ah guddi hoosaadyada Golaha Wasiirrada gaar ahaan guddiga Amniga, guddiga xidhiidhka caalamiga ah iyo guddiga Kobcinta dhaqaalaha.
Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa guddiyada uga mahadnaqay shaqooyinka adag ee ay bulshadooda u hayaan islamarkaana sheegay in ay shirar aan caadi ahayn yeelanayaan guddiga Amniga iyo kuwa xidhiidhka caalamiga ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed