Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo si rasmi ah uga qeyb galaya shirka golaha wadatashiga qaran

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, lagu casuumay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee lagu wado in lagu qabto Muqdisho 1-2-da May 2025.

Xamse oo khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka ee Laascaanood ayaa xusay in casuumaadda ay ka timid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Intii uu booqashada ku sugnaa Laascaanood, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu halkaasi ka dhagax dhigay siddeed mashruuc oo horumarineed, oo ay hirgelinayso dowladda federaalka, kuwaasoo lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee SSC-Khaatumo.

Xamse ayaa sidoo kale la kulmay odayaasha dhaqanka, madaxda SSC iyo qeybaha bulshada, isagoo adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay wada-hadal, maamul loo dhan yahay, iyo taageerada SSC oo haatan muran adag kala dhexeeyo Somaliland.

Booqashadan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago Laascaanood.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed