Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo magacaabis cusub sameeyay

Hoggaamiyaha SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa xalay Talis iyo Hoggaanno cusub u magacaabay Ciidanka Daraawiishta SSC.
Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo ayaa loo magacaabay S/guuto Saleebaan Barre Geesood halka Taliye ku xigeenka loo magacaabay G/sare Cabdifitaax Maxamed Aadan.
G/sare Maxamed Saleebaan Caabbi ayaa loo magacaabay Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo halka G/sare Cabdirashiid Axmed Nuur loo magacaabay Hoggaanka Taakulaynta Ciidanka.
G/sare Bacayees Aadan Nuur ayaa loo magacaabay Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC halka G/sare Baaruud Muuse Maxamed loo magacaabay Hoggaanka Maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka SSC-khaatumo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed