Heshiis is afgarad oo laga gaaray colaad beeleed ka jirtay gobolka Shabeellaha dhexe

Mudo dheer kadib waxaa heshiis is afgarad ah laga gaaray gogol nabadeed oo dhawanahaan taalay deegaanka Burka Dirimeed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo lagu heshiisiinayay  Beelo walaalo ah oo horey ugu dagaalamay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Cadalle iyo Raaga ceelle ee gobolkaas.

Heshiiska la dhex dhigay labadaan beelood ee ka wada tirsan beel weynta Abgaal ayaa ahaa in odoyaasha labada beelood ay si wadajir ah  nabada u wada qaataan, islamarkaana arinta dagaalka dhalisay oo ah dhul la isku haysto in lagu wareejiyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo laamaha amniga oo go’aan rasmi ah ka gaari doona.

Heshiiskaan oo ah mid hordhac ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynahii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur, Wasiirka dib u hishiisiinta Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde, gudoomiyaasha labada degmo ee Cadalle iyo Raaga ceelle, Xildhibaanada ku matala beelahaasi Baarlamanka Hirshabelle, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo qaar kale oo ka mid ah Duubabka dhaqanka.

Waxaa sidoo kale madashaan lagu gaaray heshiiska hordhaca ah ku sugnaa odayaasha labada beelood ee dirirtu dhexmartay iyo laamaha amniga heer dowlad goboled iyo heer Federaal oo ku kala dhex jiray mudooyinkii lasoo dhaafay maleeshiyaadka labada beelood ee halkaas ku dagaalamay.

Madaxdii goobjooga ka aheyd gogoshaan nabadeed ee lagu heshiisiinayay labada beelood ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka labada beelood ee qaatay iney ka heshiiyaan colaadii u dhaxeysay.

Heshiiskaan ayaa imaanaya, iyadoo horay sidan oo kale heshiisyo loogu gaaray deegaanka Burka Dirimeed ay noqon waayeen kuwa hirgala, kadib markii uu dib u bilawday dagaalka u dhaxeeya labadaan beelood ee markale maanta lagu heshiisiiyay deegaankaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed